X

Dad cadho ka muujiyay dhalinyar Muuse handaraab Boorama ugu xidhey calanka

Waxa shalay si xarago leh magaalada Boorama ugu dabaal-degay koox dhalinyara ayagoo ku xaragoonaya calanka qaranka, waxase ka xanaaqay dabaldegaa Boorama ka dhacay Muuse handaraab. ” Wuxuu markiiba amrey in jeelka loo taxaabo asagoo sida la sheegayo soo maray madax dhaqameed ku sheeg uu biilo ayuu yiri Xuseen Warsame.


Dhalintan ayaa sidii caadiga ahayd lagu aamini waayay jeelka Boorama ee musqusha ah loona dhaadhiciyay gobolka Muuse Handaraab ee Woqooyi galbeed gaar haan tuulaada Madheera.

”Aad ayaan u cambaaraynayaa falkaa lagula kacay dhalinyarada aan waxba galabsan ee calankii qaranka ee 26 Juun ku xaragoonayay ayuu yiri Cali Faarax oo reer Landhana.


Isku soo duub Muuse handaraab ma aqoonsi ayuu ku helayaa dhalintan iyo weliba haweenka guryaha ku sharaxda calanka ee uu jeelka u taxaabayo jawaabtu waa maya aqoonsina ka dheer ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.