Waxa goor dhaweyd ku soo dhacay garoonka degmada C/casiis ee Inj Yariisow hoobiyeyaal ay soo tuureen dhiigmiiratada shabaab oo ku dhuumanaya dadka dhexdiisa. Laba hoobiye ayaa ku soo dhacay garoonka oo xilligan cidla ah.
Dadka badankiisa ayaa qaba inuu tijaabo ahaa oo ay hubinaayeen in ay garoonka dhexdiisa ku soo tuuri karaan ayagoo ku dhex dhuumanaya isla degmada.
Garoonkan ayaa waxa inta badan lagu qabtaa xafladaha dalka muhiimka u ah sida maalinta ciidamada iyo xaflado kale oo ay ka qayb galaan madaxda dalka.
”Argagixisadu ma taqaan sida hoobiyaha loo rido marka waxay adeegsadaan caruur aan caqli iyo maskax filan lahayn kadibna waxay sheegtaan daadinta dhiiga muslimiinta ayuu yiri Cali Calasow.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS