Ciidanka dawlada ayaa si nabada kula wareegay deegaanka Warxoolo ee gobolka Galguduud kadib markii argagixisada shabaab oo halkaas baad ka qaadi jirtey dadka ay orod cagaha waxka dayeen markay arkeen ciidanka dawlada ee ku soo socda.
”Argagixisada ayaa markay na ogaatey inaan soo socono ayay cagaha wax ka dayeen haddana waxay gaareen deegaanka Wabxo. Waxa muuqata in dhamaan deegaanada argagixisadu joogto ay sugayaan ciidanka xooga dalka inay tagaan.
”Ilaa hadda ma haysano awood dheeri ah iyo ciidan dheeri ah oo aan ku gaarnio dhamaan deegaanada baadiyaha ah ee argagixisadu joogto ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka.
C/llahi Warmooge
ARAABINEWS





Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay