Ciidanka dalkaasi Hindiya ayaa sheegay in sadex askari looga diley feedh kadib markii ay is fara saareen askar Shiinaha oo jooga xad ay ku muransan yihiin labada dal oo hore u dagaalamay. Hindiya ayaa sheegtay in labada dhinacba waxyeelo jirto laakiin ma sheegin inta ay ka dileen Shiinaha.
”Ma jirin wa rasaasa oo la furey laakin waxa jirey dagaal weji ka weji ah waxana Shiinuhu dileen sadex askar oo naga tursan ayuu yiri sarkaal u hadley Hindida.
Shiinaha ayaa dhinacooda ku eedeeyay Hindida inay arbushaad wadaan kadib markii askarta HIndidu ka soo talaabeen xadka labada dal jawaabna ay heleen.
Waxaan leenay Hindida waa inay ka feejignaadaan arbushaad iyo ku soo xadgudub xadka Shiinaha. Xadka aan qeexnayn ee dhinaca Kashmirta Hindiya ayaa Shiinuhu cadkiisa goostey, Hindiyana kuma dhici karto inay soo farageliso weyse sheegataa.
Dagaal u dhexeeyay labada dal ay Hindidu ku hungoobeen oo si fiican loo garaacay.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS