X

Banaanbax balaaran oo ka dhacay Garbahaarey iyo waxa dadku ka caroodey

Banaanbax balaaran ayaa ka dhacay Garbahaarey iyo waxa dadku ka caroodey. Dadka isku soo baxay ayaa ku qaylinaayay doonimeyno goboleysi, qarandumis iyo dawladnimadu ha waarto.


Dibadbaxani waxaa soo qaban qaabiyey xubno ka kala socday ururada dhallinyarada iyo haweenka degmadaasi, iyadoo ay ka qeybgaleen Boqolaal ruux.

Dibed baxayaashan ayaa si cad u sheegay iney diideen go’aamadii ka soo baxay shirkii Kismaayo oo ay sheegeen inuu ahaa mid shaqsiyaad ku kooban.


”Haddii aad dawlada u jartaan xiriirka anaga xageed aadeynaa ma Itoobiya, anagana xiriirka ayan idiin jaraynaa ayay ku dhawaaqeen dadkan aadka uga caraysan in magacooda lagu raadiyo mucaaradnimo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.