X

Argagixisada oo oday da ah ku diley duleedka Balcad

Wararka ka imaanayo duleedka Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in dhiigmiiratada Shabaab oo muslimiinta gaaleeya kadibna dhiigooda xalaashada ay oday da ah dileen.


Odaygan ayaa lagu magacaabaa Maxamed Maxamuud Siyaad, waxana la sheegay inuu Xamar ku soo socday xilliga dhiigmiiratadu kala dageen gaari uu saarnaa oo uu ku safraayay duleedka Balcad.


Ehelada marxuunka oo Ka tirsanaa Hirshabeele ayaa sheegay in loo sheegay in dhiigmiiratadu dhexda kala dageen kadibna dileen. Dhiigmiiratada ayaa Ku baahiyay barahooda bulshada inay xalaashadeen dhiigiisa.


Maxamed ayaa ahaa oday da ah oo arimo u gaara u tagayay Muqdisho. Deegaanka argagixisadu odayga ku dishey ayay hore ugu xasuuqeen dhaqaatiir da’yara inkastoo jufadooda markii dambe ka weeciyeen dhiigmiiratada kuna weeciyeen dawlada si ay u kiciyaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.