X

Duulimaadyada gudaha dalka oo dib loo furey iyo diyaarad soo dhacdey

Wasaarada duulista iyo hawada ee dalka Somaliya ayaa shaacisay in duulimaadyada gudaha dalka dib loo furey Isla markaana maanta rakaabkii u horeeyay ka duuley Muqdisho ayagoo ku sii jeeda Dhuusamareeb.


“Waxaan daraad goostey tigidhka diyaarada ee aan ku tagayo Dhuusamareeb, waxaan aad ugu faraxsanahay inaan arki doono qaraabadeyda oo aan muddo kala xirneyn ayuu yiri socdaale u socday Dhuusamareeb.


Waxa welli xiran duulimaadyada caalamiga waxana la filayaa in dawladu soo rogto liisto ay ku qoran yihiin dalalka imaan kara dalka iyo kuwa rakaab ka imaan karin sida Maraykanka.

Baardheere

Diyaarad laga leeyahay dalkaasi Kiiniya ayaa ku soo dhacdey degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Diyaaradan oo ka duushay garoonka Muqdisho ayaa Ka mid ahayd diyaaradaha maanta loo fasaxay inay diulimaad samayn karaan.

Ma jirto Cid wax ku noqotey. Somaliya ayaa waxa Ka shaqeeya diyaarado duugoobey oo ayna ahayn inay dad qaadaan. Sawirka hoose ee diyaarada dhacday.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.