Wednesday, November 29th, 2023
header










Meta







Argagixisada shabaab caado waxay u leeyihiin xasuuqa dadka muslimiinta: Hay’ada culimada Somaliyeed

Muqdisho–Hay’ada culimada Somaliyeed ayaa bayaan cad ka soo saartey xasuuqyada ay argagixisada shabaab ka gaysanayso Somaliya qaasatan Koofurta iyadoo shalay oo u dambeysay ay xasuuqeen qoys shacaba oo aan waxba galabsan oo ay ku jiraan dhamaan caruur iyo waayeel iyo dumar oo ah inta diinteenu xaaraantimaysay in dhiigooda la taabto.

Argagixisada ayaa nabad-doona ku dishay deegaan hoostaga Qoryooley waxana lagu magacaabi jiray Bashiir Xasan Cabdulle Xuurshoow.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo la hadlayay Radio Muqdisho ayaa ugu horeyn ku tilmaamay falka wuxuushnimada ah ee ay Shabaabku ka geysteen Tuulo hoostagta Degmada Luuq iyo Degmada Qoryooleey mid ka baxsan diinta Islaamka, waxaana uu tacsi u diray ehelada dadka ay Shabaabku xasuuqeen.

“Musiibada ay sameeyeen nimanka argagixisada ee Khawaarijta ah marka hore aniga oo ku hadlaya magaca hay’adda culimada Soomaaliyeed waan cambaareynayaa, tankale falalka ay dadka ku laaynayaan diinta Islaamka raad kuma lahan, waxaana ku shaqeysanaya sheeydaamo” ayuu yiri Sheekha.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa xusay in sida kaliya ee Shabaab looga adkaan karo ay tahay in shacabka iyo dowladda ay si wada jir ah ula dagaallamaan argagixisada Shabaab, isla markaana loogu tego meelaha howdka ah ee ay ku dhuumaaleysanayaan.

“In la dabar gooyo ayaa kooxdan lagu baabi’in karaa, waayo waxa ay u dagaallamayaan ma ahan mid diinta Islaamka ay shaqo ku leedahay, waxaa kaloo jirta in Shabaab xasuuqa dadka rayidka ah ay caadi u leeyihiin” ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Diyaarad Nayjeeriya ka timi oo rakaabkeedii wacdaro ku qabsadeen Sacuudiga

November, 15, 2023
Qisada diyaarad laga leeyahay dalkaasi Nayjeeriya oo Sacuudiga ...

Ururka samafalka MG oo London ku doortey gudoomiye cusub

July, 24, 2023
Ururka samafalka ee MG ayaa caawa gudoomiye cusub ...

Samaroon isagaa halkaa is dhigay Dhulbahantana guushaa u dhow

July, 12, 2023
Siyaasi Cali Faarax Cabdullaahi ayaa sheegay in Dhulbahante ...

Qisada xanuunka badan ee Umu Salamah (xaaskii rasuulkeena (SCW)

June, 6, 2023
Umu Salamah waxay markii dambe ka mid noqotey ...

Maxaa keenay in doorashada Turkiga xilligan uu adduunku isha ku hayo?

May, 13, 2023
Turkigu kama mid ahayn wadamada xilliyada doorashada isha ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...