Argagixisada shabaab ayaa baahisay nin ay isticmaaleen oo isku qarxiyay agagaarka huteel peace ee Muqdisho halkaas oo wali la soo faqayo dadkii ay xasuuqeen.
Argagixisada ayaa sheegtay in Idiris Maxamed Nuur oo loo yaqaan Khaalid uu ahaa ninkii labaad ee fuliyay isqarxintii meel ku dhaw Hotelka Peace.
Weerarkan waxaa loo adeegsaday labo gaari oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, gaadiidkan ayaa mid ka mid ah lagu qarxiyay bar koontarool oo ku yaala agagaarka Isgooska Danwadaagaha halka qaraxa labaadna uu ka dhacay albaabka xarunta Xalane gaar ahaan meel ku dhaw hotelka Peace.
Argagixisada ayaa sheegtay in Idiris Maxamed Nuur oo da’diisa lagu qiyaasay 20-sano jir aan caqligiisu ku filneyn, waxayse intaa ku dareen in isaga aabihii ka mid ahaa argagixisada kuna halaagmey dagaalka.
Idiris ayaa kasoo jeeda Beesha Digil iyo Mirifle gaar ahaan Qabiilka Hadamo, waxa uuna ninkan qaraxa fuliyay ku dhashay Deegaanka Rabdhuuro.
Argagixisada ayaa sidoo kale shalay soo bandhigtay magaca ninka kale ee fuliyay weerarkii ka dhacay Agagaarka Hotelka Peace waxaana ninkaasi isna magaciisa lagu sheegay Maxamed Abuukar Calasow oo u dhashay Beesha Xasan Sheekh ee Abgaal, Hawiye, Daa’uud.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay