November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Argagixisada shabaab oo qarax kula gaaday xildhibaano salaada Jimcaha tukanaya masjid ku yaal huteel bartamaha

images[3]Muqdisho–Argagixisada shabaab ayaa sidii caadiga ahayd qarax kula gaaday xildhibaano salaada jimcaha tukanaya. Wararka ayaa sheegaya xildhibaano caanka ah Muqdisho iyo wasiiro hore uu dhaawac soo gaaray. Argagixisada shabaab ayaa dadka ku gaada goobaha cibaadada iyadoo soo dirta kuwan aan tukan laakiin diintoodu tahay in ay dilaan dadka tukanaya.

Baabuur waxyaabaha qarxa ka buuxo oo masaajidka ay dadka ku dukanayeen la dhigay ayaa qarxay, dad is qarxinaya waa jiray, waxaa goobta ka dhacday khasaare xoogan, dhimasho iyo dhaawac badan waa jiraan”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta oo la hadlayay Radio Muqdisho.

“Waxay weerarayaan goobaha bulshada, sida masaajidada, iskuulada, maxkamadaha iyo goobaha beesha caalamka ay shacabka ka taageeraan”ayuu yiri wasiirka Warfaafinta oo intaa ku daray in wali dowladda wado tirakoobka dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay.

La soco faahfaahin dambe

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS