Baabuur waxyaabaha qarxa ka buuxo oo masaajidka ay dadka ku dukanayeen la dhigay ayaa qarxay, dad is qarxinaya waa jiray, waxaa goobta ka dhacday khasaare xoogan, dhimasho iyo dhaawac badan waa jiraan”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta oo la hadlayay Radio Muqdisho.
“Waxay weerarayaan goobaha bulshada, sida masaajidada, iskuulada, maxkamadaha iyo goobaha beesha caalamka ay shacabka ka taageeraan”ayuu yiri wasiirka Warfaafinta oo intaa ku daray in wali dowladda wado tirakoobka dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay.
La soco faahfaahin dambe
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS