Baydhabo 05 Dec 2014–Argagixisada shabaab ayaa Baydhabo ku xasuuqey ilaa todoba ruux halka dhaawacna jiro weerar fuleynimo oo ay ka fuliyeen goob laga shaaheeyo oo ku taal bartamaha Baydhabo. Dadka ilaa hadda dhaawacu soo gaaray ayaa waxa ku jira wariyeyaal.
Qaraxyadani oo ahaa kuwa naftii halignimo ah ayaa la sheegay qaraxa hore in uu fuliyay dhagar qabe naftiisa ku halaagay goobtaasi kaddib markii uu shaah dalbaday isagoo dadka ku dhex jira, iyadoo qaraxa labaad oo loo adeegsaday gaari waxyaaba qarxa laga soo buuxiyay isla goobtaasi uu ka dhacay qaraxa xili lagu guda jiray daad gureynta dadka ku waxyeeloobay falkaasi cadowtooyada ah.
Wariya madax banana oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay dadka ku dhintay weerarkan ay ku jireen laba wariye oo ka mid ah kuwa ka howlgala Baydhabo, kuwaasi oo kala ahaa Cabdulqaadir Maynot oo ka tirsanaa wariyeyaasha Soomaali Channel Tv, iyo Maxamed Isxaaq Barre, halka ay dhaawacmeen afar wariye oo ka shaqeynayay magaaladaasi kuwaa oo u shaqeynayay warbaahinta gudaha.
Guddoomiyaha gobolka Bay Cabdi Aadan Hoosow oo la hadlay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in xaalada magaalada ay dagantahay ciidamaduna baaritaano ay wadaan ayna ku geeriyoodeen in kabadan 10 ruux oo dad shacab ah kuwaa oo aan waxba galabsan
isbitaalka magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay oo la geeyay dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi ka baxsan bini’aadanimada ayaa lagu dabiibayaa, iyadoo dhaqaatiirta isbitaalkaasi ay ku mashquul sanyihiin la tacaalida dadkaasi ku dhaawacmay
Bilowgii sanadkani ayay eheyd markii qarax sidaan oo kale lala eegtay maqaayadani oo ay ku geeriyoodeen in kabadan 20-ruux oo aan waxba galabsan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM