Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Argagixisada shabaab oo xasuuqdey mudane Cumar Bagadi oo ka tirsanaa barlamaanka Somaliya

Muqdisho–Kooxda banaysatay dhiiga muslimiinta ee shabaab ayaa mardhow dishey mudane Cumar Bagadi oo ka tirsanaa barlamaanka Somaliya. Cumar Bagadi ayaa wuxuu ka mid ahaa xildhibaannadii baarlamaannadii dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray, iyadoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee keentay in la toogto xildhibaankan hore haatanna ka mid ahaa siyaasiyiinta dalka.

Mas’uul ka tirsan degmada Wadajir ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka mudanahan hore saakay loogu geystay degmadaas, iyadoo dilkan uu qayb ka noqonayo dilalkii dhawaanahan ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo mas’uuliyadoodda ay sheegatay Al-shabaab.

Sidoo kale, saraakiisha ciidamada degmada Wadajir ayaa sheegay inay ku howlan yihiin baaritaanno ay ku raadinayaan kooxihii ka dambeeyay dilka xildhibaankan hore oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Degmada Wadajir ayaa waxaa shalay lagu dilay askari ka tirsan ciidanka dowladda ee canshuuraha qaada, kaasoo ay toogteen dhallinyaro ku hubeysan bastoolado xilli uu galayay kawaan lagu iibinayay hilib si uu uga soo qaado.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...