Wararka ka imaanaya magaalada Jalaalabaad ee bariga Afqaanistaan ayaa sheegaya in dhiigmiiratada Taalibaan rasaas ku fureen dad banaanbax isugu soo baxay oo wata calanka dalkaasi kadibna gubey kan dhiigmiiratada.
Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan ay dhinteen laba qof halka 12 kalana ay dhaawacmeen. Argagixisada ayaa isku dayay inay xoog ku joojiyaan banaanbax durtadiiba bilaabmey. Waxay qori la dhaceen dadkii duubaayay.
Sadex cisho ayaa laga joogaa markii dawladii dalkaasi ay burburtey markii ciidanka dalku lahaa qoryaha dhigey intooda badana diideen inay dagaalamaan.
Argagixisada ayaa calankooda dhiiga badan ay ku daadiyeen ka taagay meelkasta, waxayna ka cararsiisay dadka. ”Waa tusaalihii ugu horeeyay ee dhiigmiiratadan lagana yeeli maayo in calankooda bugta ah uu noqdo kan dalka ayuu qabaa Xuseen Warsame.
Dadka reer Afqaanistaan ayaa la filayaa inay kacdoon uga tuuraan dhiigmiiratadan uu ku maqan yahay dhiiga kumanaan reer Afqaanistaana taas oo fariin u diraysa kuwa iyaga la midka ah ee isleh xasuuq xukunka ku yimaada diintana ka been sheega.
Rashiid Ceelanyo
ARAABINEWS