X

Argagixiso bam gacmeed ku weerartay guri Muqdisho ku yaala

Dhiigmiiratada shabaab ayaa bam gacmeed ku tuurey guri ku yaal Muqdisho oo ay lahaayeen dad shacaba. Xilliga bam gacmeedka ay ku tuureen ayaa guriga waxa joogey dadka iska leh, Waxana la sheegayaa in khasaare dhaawac u badan loo qaaday isbitaalada.


Dhiigmiiratada shabaab ee ku dhexjirta dhalinta ayaa caadi u tahay inay weeraraan goobaha dadku ku badan yihiinsi ay u dilaan dad farabadan.

Xilliga argagixisadu soo tuureen bambada ayaa dhalinta guriga joogey ku daawanaayeen kubad ama hawlahooda iska wateen.


Hay’adaha amniga ayaa ku gudajira sidii ay Muqdisho uga sifeyn lahaayeen cayayaanka argagixisadu ku adeegsato, xilli dadka magaaladu markasta loo sheegayo inay soo sheegeen argagixisada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.