X

Raiisal wasaare Xasan oo hakiyay nashruuc muran dhaliyay

Raiisal wasaaraha Somaliya Xasan Cali ayaa hakiyay nashruuc wadooyinka lagu dhisayo oo wasiirkiisa maaliyada si gaara ula saxiixdey gudoomiyaha gobolka Banaadir. Mashruuca ayaa dib u dhis loogu samaynaayay gobolada Koofurta dalka iyo Garoowe.


Maamulka Somalilaan ayaa la sheegay in isagu intiisa qaatey mana dhaafi doonto Hargeysa iyo nawaaxigeeda sida uu qabo Xuseen Warsame oo Hargeysa jooga.

Mashruucan sida qalafsan loo wado ee wasiirkiisa maaliyada Dr C/raxmaan Bayle saxiixay waxa aan ku jirin labada maamul goboleed ee Hiiraan iyo Galmudug waana sababta loo joojiyay.


Raiisal wasaare Xasan ayaa qaba in dib loo fiirin doono mashruucan lana saxayo wixii qalada. Waxaad is weydiin kartaa dawladu dalka ma wada matashaa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.