X

Argagixiso Ka baxsaday xabsi ku yaala Muqdisho xilli xasuuqii qoyan yahay

Wararka aan Ka helayno xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in sadex maxaabiis oo Ka tirsan as dhiigmiiradka argagixisada Shabaab ay baxsadeen. Warku wuxuu intaas ku darayaa in mid ka mida markiiba la soo qabtey labo kalana la baadi goobayo.


Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa ku yaala xaafada Xamarweyne ee magaalada wuxuuna Ka mid yahay xabsiga amnigoodu sugan yahay adag tahayna, waxana baxsadkan loo malaynayaa in ay tahay arin laysla ogaa ayuu qabaa Cali Calasow.


Kuwa baxsaday ee aan welli la soo qaban ayaa qaarkood Ku xukunaayeen mid xabsi daa’im iyo dil toogasho ah. Lama garan Karo ilaa hadda sida baxsadkan u dhacay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.