X

Maxamed BK oo yiri waxaan ahay fanaan Somaliyeed

Fanaanka Maxamed BK oo Ka hadlay hadalkii xanafta lahaa ee uu yidhi xilli  Somalidu geeriyaysnayd kadib xasuuqii dhiigmiiratada wahaabiga ah ay kula kacdey dadkeena ayaa Ka bixiyay raali gelin buuxda. “Waxaan ahay fanaan Somaliyeed waxaan ummada Somaliyeed Ka raaligelinayaa hadalkii aan idhi ee sida qaldan loo turjuntey.


Halkan maxaa ka cad

Waxa muuqata inkastoo aan jecelahay in raaligelintaa laga aqbalo maadaama qofka gaf ka dhici karo, inuu welli aaminsan yahay inuu saxnaa, oo haddii Koofurta aqoonsanto Somalilaan ay dhiigmiiratadu joojin doonaan xasuuqa ayuu yidhi Xuseen Warsame oo Hargeysa jooga.


Waxa kale oo raaligelintiisa ku cad inuu markii ugu horeysay isticmaalay erayga saxda ah ee ummada Somaliyeed oo ka hor imaanaysa erayada siyaasiyiinta Somalilaan isticmaalaan ee “dadka af-Somaliga ku hadla”. Anigu fanaan Somaliyeed ayaan ahayd.

Wuxuu si gaara u raaligeliyay dadka Muqdisho ku nool oo hore u sheegay inaanu rabin yirina ha iga maqnaadaan.


Waxaan hadda kadib ku ekaanayaa fanaanimadeyda iskumana qaldi doono siyaasada beri laga heshiin karo maadaama burbur lagu jiro iyo fankeyga ayuu yiri Maxamed BK.

Guud ayaan waxaan filayaa in qaladkii Maxamed BK halkaas lagu soo afjaro, xoogana la saaro sidii ummada Somaliyeed layskugu keeni karo maadaama waxay ku heshiis yihiin uu ka badan yahay waxay isku haystaan.


Kaalintaa iskusoo dhaweynta ummadana waxa qayb weyn ju leh fanaaniinta oo iyagu ah kuwo dadka u dhexeeya xadna lahayn.

Soo diyaarintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.