X

Hay’adda sirdoonka oo deg deg looga codsaday inay sheegto dalka xasuuqay dadkeena

Hay’adda sirdoonka Somaliya oo war ka soo saartey cida argagixisada la caawisay xasuuqii Muqdisho ayaa sheegtay in dal ayna magacaabin uu gacan ku lahaa xasuuqaan.

Hay’adda ayaan magacaabin dalka uu yahay laakiin qoraa  Turki  baah ayaa sheegay in Imaaraadku ku luglahaa, raaciyay a cadaymo laga helay goobta qaraxa ay si toosa ula xiriirinayso Imaaraadka.


Hay’adda waxaan leeyahay hadaad dhagarta ka meydhayso dhiigmiiratada shabaab ee aad leedahay waa dal shisheeye, waxay ummada Somaliyeed xaq u leedahay inay ogaato dalkaasi ayuu yiri xildhibaan Ka tirsan golaha shacabka.

Waxa xildhibaankan ka digey in dawlad kale oo ay is hayaan Turkiga aan dusha looga tuurin haddii aan la hayn wax cad. Shaki kuma jirto in cadowga Somaliya sida Imaaraadka iyo Sacuudiga ay taageero u fidiyaan cadowga dhiigmiiradka ee shabaab.


Somaliya iyo dawladaha wahaabiyada ayaa xiriirkooda xumaaday kadib markii dalku diidey inuu ku dabafaylo siyaasadooda ku wajahneyn Qadar sidaasna ku noqdaan cadowgeena labaad ee dalka, Somaliyana sii xoojisay xiriirka ay la leedahay Turkiga.

Qadar oo qaaday dhaawac

Diyaarad sida daawooyin ayaa Muqdisho Ku sugan ayna leedahay Qadar ayaa  goobta Ka qaaday 22 qof oo Ka badbaaaday xasuuqii argagixisada, waxana sagootiyay raiisal wasaare Xasan Cali.

C//llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.