X

Argagixiso ka cararay goobo ay ku baxeen booliiska Somaliya

Hawlgal ay ciidamada booliiska iyo kuwa milatariga ka fuliyeen deegaano hoostaga gobolka Gedo ayaa ku dhamaaday guul kadib markii argagixisadu ay ooda jabisay markii ay maqleen in lagu soo wahahan yahay.

Deegaannada ay ciidanku ka sameeyen hawlgalka ayaa kala ah Doofaareey, Kooradheer, Booco, Qalwo, Bakaaro iyo Fargeelay, iyada oo inta uu howlgalka socday aysan jirin wax dagaal ah maadaama dhiigmiiratadu ooda jebisay.

Taliyaha Booliska degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo laba Xidigle Maxamed Jaamac Gaaciye ayaa sheegay in degaanada ay hawlgalka ka fuliyeen dhamaaanba ay hadda joogaan ciidanku.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in ujeedkooda uu ahaa inay ka hortagaan weerarada ay dhiigmiiratadu soo qaado bisha Ramadaan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.