X

Roobab laxaadle oo ka da’ay Somaliya guud ahaan iyo daadad laga digey

Roobab laxaadle oo lagu diirsaday ayaa ka da’ay guud ahaan Somaliya iyo weliba Somali galbeed oo ay ka jireen abaaro ay ku baxeen xoolo badan. Inkastoo dadka ku dhintey abaartan ay yar yihiin.


Roobabka ka da dhulka buuuralayda ee Itoobiya ayaa hadda si toosa ugu qulqulaya webiyada Itoobiya siiba webiga Shabeelle kaas oo aan inta badan laga faaiideysan.

“Waxaa ugu daran biyo-xireenka iyo qararka wabiga oo daciif ah, kuwaas oo durba fatahaad ku billaabay Jowhar. Bulshooyinka ku nool hareeraha wabiga Shabeelle waa inay taxadaraan, maadaama qul-qulka webiga la fiłayo in biyahu soo dhaafaan jiinka wabiga dabayaaqada todobaadkan” ayaa lagu yiri qeyla-dhaan ka soo baxday hay’ada beeraha.


Inkasta oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ay kordheen biyaha wabiga Jubba, hadana hay’adu waxa ay sheegtay in khatarta fatahaadda ay ka jirto degmooyin ay ka mid tahay Doolow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.