X

Qarax ay dad ku dhaawacmeen oo ka dhacay Somali galbeed

Wararka aan ka helayno Somali galbeed gaar ahaan deegaanka Sagag ayaa sheegaya in miino la kacday gaari u rarnaa shirkad wado ka samaysa halkaasi uuna jiro dhaawac.


Wararka ayaa intaas ku daraya inuu dhaawac soo gaaray afar qof oo la socday gaariga qaraxu haleelay iyo khasaare kale oo hantiyeed. Miinada la kacday gaariga ayaa ahayd sida la aaminsan yahay mid ka hartey dagaalkii 1977.


Waxan la oran karaa waxay ahayd mid la aasay markii ciidankii xooga dalka xulafadii Soofiyeedku ka soo saareen Somali galbeed, ujeedada ayaa ahayd inay hakiyaan ciidankaas soo socda.

Dadka dhaawaca ayaa loola cararay isbitaalada ugu dhow.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.