X

Argagixiso ka tirsan Daacish oo ka soo muuqdey maxkamada ciidanka: SAWIRO

Argagixiso ka tirsan Daacish ayaa ka soo muuqdey maxkamada ciidamada xooga dalka. Maxkamada oo la horkeenay laba nin oo ka tirsan dhiigmiiratada Daacish ee burburiyay Ciraaq iyo Siiriya.

Mahad Max’ud Cabdi oo Magaciisa u qariyay  (Abtidoon, Abuu-yaasiin) iyo Max’ed Daa’uud Daahir Warsame  oo isagana isku qariyay (Dr raage)  ayaa la soo taagey maxkamadda.


Mahad Max’ud Cabdi  ayaa isaga dadaal ugu jiray sidii uu aas-aasi lahaa koox kale oo Daacish ah  kuwaasi oo ka madax banaan Daacishta ah ee uu hogaamiyo Cabduqaadir Muumin sidda ay sheegtay Maxkamadda Ciidamada.

Safar dheer ayuu u soo galay sidii uu soomaaliya ku soo gaari lahaa, waxa uuna heystaa dhalashada Ruushka oo uu muddo ku maqnaa waddankaas, waxa uu sidoo kale ku soo qaatay qeyb ka mid ah noloshiisa waddanka Siiriya,  isagoo ugu dambeyn ku biiray  kooxda Daacish uu ka mid noqday kuwa ugu sareeyo balse mar dambe ay is qabteen.


Max’d Daa’uud Daahir Warsame, oo Magiciisa Af-garashada yahay  (Dr,raage)  ayaa isna lagu eedeeyay in uu ahaa madaxa maaliyadda kooxda, sidoo kale  ahaa caawiye xagga caafimaadka ah ayaa cadeymaha Maxkamadda lala keenay waxaa ka mid ahaa Akoonada Lacageed ee uu isticmaalay iyo shirakidihii uu ka isticmaali jiray Lacagaha.


Farsoomyinka ay ka mid yihiin kala badalidda xawaaladaha, Sameynta akoonno kala duwan oo loo  sameeyay qaab-caawimaad iyo iska daba wareejinta sharikadaha in uu cadeeyo Hey’adaha uu sheeganayo shaqadooda iyo sharciyadda ay ku shaqeeyeen balse uu arrintaasi ah ka leex-leexday.

Gudoomiyaha maxkamada ayaa sheegay in xukunkoodu gadaal ka dhici doono.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.