Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Asarbajaan oo mudada u kordhisay Armiiniya

Madaxweynaha guusha raacday ee Asarbajaan ayaa aqbalay codsi uga yimi Armiiniya iyo Ruuushka ee ku aadan in loo kordhiyo mudada ay Armiiniya uga guurayso degmooyinka Woqooyiga dalkaasi ay qabsatey 30 sano kadibna dejisay dad ka yimi Armiiniya.



Degmooyinka Woqooyiga dalkaasi ee Armiiniya ahayd inay ka baxdo ayaa waxa ugu weyn degmada Kalbajar oo 30 sano ay deganaayeen Aseeriyiin keliya laakiin hadda guryahoodii iyo beerahoodii ay degaan Armiiniyiin.

”Waxay ahayd in degmooyinkaas ay ka baxaan maalinta beri ah haddase waxa loogu daray ilaa 10 cisho waana inay baneeyaan 25-ka bishan, ayuu yiri afhayeen u hadlay Asarbajaan, wuxuuna raaciyay in gobolada kale aanu waxba iska bedelin xilligii loo qabtey inay ku baxaan oo ah 20-ka bishan iyo kowda bisha soo socota.



Dadkii ku jiray guryaha bililqada 30-ka sano ayaa la sheegay inay xitaa soo faqdeen dadkii ka geeriyoodey, ayna badankoodu ku baxeen mudadii loo qabtey.



Waxa lagu sheegay codsiga in welli dadku ka guran alaabada badankooda, waxana la sheegayaa inay duminayaan kaniisadihii ay dhisteen.

Askarta looga diley Armiiniya

Armiiniya ayaa sheegtay markii ugu horeysay in askar badan 2500 looga diley dagaalka, ayna ku dhawaadeen in cagta la mariyo laakiin naftu ku qasabtey inay is dhiibaan sida uu sheegeen raiisal wasaaraha baxsadka ee Armiiniya ee ka baqaya in la dilo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...