12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Askar booliisa oo lagu sumeeyay dalkaasi Maraykanka nacayb awgeed

Ayadoo weli aduunka ay ka socota dibedbaxayaasha lagu diidey dilkii foosha xumaa ee dharaar cad loogu gaystey nin madow, wellina ninkii diley qiil loo raadinayo ayaa 3 askari oo booliisa lagu sumeeyay magaalada Niyuuyook.



Sadexdan askar ayaa la sheegay inay cabeen iskuqas aan la sheegin nooca uu yahay kadibna ay uriyeen shay kale oo ahayd in aan lagu darin. Shaygaas oo lagu sheegay sunta lagu meydho musqulaha iyo jikooyinka.



Sadexda booliisa ayaa la sheegay in xaaladoodu fiican tahay, waxayse muujinaysaa heerka nacayb ee ay dadku u qabaan kadib wixii dhacay. Booliiskan aya qayb ka ahaa kuwo ka hortagaya banaanbaxyada.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS