X

Askar Liibiyaana oo tababar u joogay Ingiriiska oo argagax galiyay magaaladii ay joogeen

Cambridge 03 Nov 2014–Askar Liibiyaana oo u joogey Ingiriiska in ay tababar qaataan ayaa argagax galiyay magaaladii ay joogeen kadib markii shan ka mida lagu helay in ay kufsi kala daaleen gabdhaha magaalada Cambridge ee tababarku uga socday.

Askartan oo gaaraysay ilaa 300 ayaa waxay ahayd in aan magaalada lagu sii dayn iyaga kaligood oo la raaco waxase maamulku bilaabay inay dabciyaan sharcigaas.

Shan ka mida askarta Liibiyaanka ah ee loo tababarayay dawlada Liibiya si ay isku difaacyo ayaa argagax kufsi kula kacay gabdhaha magaalada.

Dawlada Ingiriiska ayaa go,aansatay in ay masaafuriso dhamaantood ayna hakiso xilligii uu u dhamaan lahaa tababarku.

Xildhibaan laga soo dortay magaalada ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin argagaxa ay ku rideen magaalada iyagoo jabiyay axdigii lagu soo siiyay fiisaha.

Liibiya ayaa burburtay mana jirto dawlad wadankoo dhan ka talisa waxana sadexda magaalo ee waaweyn gacanta ugu jiraan kooxaha argagixisada ah.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.