X

Injineero Maraykana oo soo saaray xuub ka celinaya in dhagaxaanta saacaduhu dilaacaan

Maraykanka—Injineero Maraykana ayaa soo saaray xuub adag oo ka celinaya dhagaxaanta saacaduhu inay si dhibyar ku qarxaan haddii la liqo siiba caruurta oo hadda la xaqiijay in laba caruura ku dhinteen. Dhagxaanta saacadaha ayaa u daran oo caruurtu moodaan wax la cuno hadase noqday khatar lagu dhinto.

Laba caruura oo midi ku noolaa dalka Ingiriiska ayaa isagu dhintey kadib markii uu liqay dhagxaanta saacadaha oo dhulka u yaalay kadibna uu dhiig ku furtay markii suntii dilaacisay xididada dhiiga qaada.

Injineerada xuubkan soo saaray ayaa rajaynaya in ay si deg dega u suuq geeyaan marka ay tijaabo badan ku sameeyaan.

Dadka badankooda ayaan ogeyn halista ay leeyihiin dhagxaanta loo isticmaalo waxyaabo farabadan iyagoo inta badan kaga taga dhulka ama aan ka fogeyn dhalaanka.

Injineerka isagu hawshan ku jiray ayaa sheegay fikrada ilaa hada la hayay ayaa ahayd in dhagaxa laga dhigo qadhaadh ama in la xineeyo si waalidku u ogaadaan in ilmuhu liqay dhagxaan saacadeed.

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.