X

Askari diley 6 qof oo ay ku jirto hooyadii iyo wiil uu dhalay oo gacanta lagu dhigey

Waxa xalay habeenimo ka dhacday magaalada Muqdisho gaar degmada Wardhiigley mashaqo aad looga naxay kadib markii askari la sheegay inuu cabsanaa uu bambo gacmeed ku weeraray qoyskiisa.

Askarigan cabsanaa ayaa la sheegay inay is af-dhaafeen qoyskiisa, waxase goobta uu ku diley hooyadii dhashay, walaashii iyo wiil uu dhalay. Waxa lagu guulaystey in askarigan la qabto.


Inkastoo dilkiisa waxaba u tarayn qoyskiisa haddana waxa la dalbaey in hore lagu dilo maadaama aanu wax faaiido u lahayn bulshada mar hadduuba hooyadii dhashay qudha dhaafiyay ayuu qabaa Cali Calasow.

Waa dhacdo aad looga naxay waayo weerarada noocana waxa lagu yaqaan dhigmiiratada shabaab laakiin lagama fileyn kuwo loogu talogalay inay ilaaliyaan dhiiga shacabka ayuu raaciyay Cali Calasow.


Tana waxay muujinaysaa in askartu bilaa akhlaaqad yihiin oo xagii ay amni sugi lahaayeen qaarkood ayba ka masuul yihiin amni-darada xataa iyagoo la siiyo mishahar.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.