X

Duqa degmada Saylac oo shaaca ka qaaday in sanduuqyada la geeyo dhul madhan

Duqa degmada Saylac ayaa qarxiyay in sanduuqyada doorashada si ula kaca loo geeyo dhul madhan ayadoo dhulkii dadku joogey ee buuxayna aan hal xabo la geyn. Maaha markii ugu horeysay oo beesha dadka Awdal tirinaysa ay si cad hoos ugu dhigto tirada saxda ah.


Duqa degmada Saylac oo ka hadlaayay doorashada gobolka Selel ayaa sheegay in aan marnaba tiro saxa la geyn Hargeysa oo tirada guud ee gobolka Awdal lala mid dhigey Boorama oo keliya.

Boorama oo ay ku nool yihiin ilaa 600 oo kun oo qof ayaa lagu soo koobey 350 kun oo qof halka gobolka guud ahaana laga dhigey boqolkun.


Waxa cajiiba beel beel kale tirinaysa waxana taas ugu wacan siyaasiyiinta gobolka oo noqdey igu shubo ayuu yiri Xuseen Warsame

Warbixintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.