Askari ka tirsan ciidamada nabad sugida Soomaaliya ayaa shalay arin geesinimo leh ka sameeyay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir kadib markii ciidamada Amisom ay gaari yar oo uu watay ku dhifteen gaadiidka waaweyn ee ay saaran yihiin.
Waxaana la filayay in ciidamada Amisom ay goobta ka cararayaan sida caadada u ah iyagoo fiirinaya dhinaca amniga laakiin meysan dhicin. Ciidamadii la socday gaariga Amisom ayaa sidoo kale isku dayay iney xoog kaga dhaadhiciyaan askariga inuu iska baxo kadibna uu Taleefoon kazoo Waco laakiin waa ka diiday arintuna waxay noqotey jiq.
Murun badan kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamada nabad sugida iyo ilaalada wadooyinka laakiin wey ku adkaatay iney ka dhaadhiciyaan inuu dib ka waco kadibna gaarigiisa loo sameeyo.
Muddo ku dhow hal saac markii ay isku dhaganaayeen ciidamadii Amisom ayay lasoo baxeen qoryahooda, iyadoo dhinaca kale ciidamada nabad sugiduna ay qoryahooda lasoo baxeen waxayna isku dayeen ragii Amisom iney ka cararaan goobta laakiin gaarigii ayuu lagu horgooyay weyna u suurto gali weyday iney dhaqdhaqaaqaan.
Dood dheer kadib waxaa lagu qanciyay ruuxii ka tirsanaa ciidamada nabad sugida inuu horay u raaco isagoo dalbaday in hal askari oo AMISOM ah gaarigiisa u la raaco si gaadhiga aan loogala cararin.
Waxaana ugu dambeyntii loo waday xarunta Xalane ee ciidamada Amisom degan yihiin halkaasi oo la doonayo in xal looga gaaro falka ay sameeyeen ciidankooda.
Shacabki ku sugnaa goobta dhacdada ka dhacay ayaa arin geesinimo leh ku tilmaamay falka uu sameeyay askariga ka tirsan ciidamada Nabad sugida Soomaaliya
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS