02/05/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Askari gaystey dil foolxun magaalada Muqdisho

Askari lagu aaminay ilaalinta dadka shacabka ayaa maanta dil foolxun u gaystey qof shacaba magaalada Muqdisho xilli casar gaaba oo dadku buuxaan.

Wararka ayaa sheegaya in dilkani uu ka dhacay gudaha magaaladaasi,waxaana uu askarigani uu u diley qofkaa shacabka ah ka dib markii ay murmeen askariga iyo ninka la dilay oo ka mid ahaa dhalinyarada rarta gaadiidka dadweynaha. Goob joogayaal ayaa sheegay in askarigan uu baxsaday markii uu dilka geystay.
Illaa hadda gacanta laguma hayo askarigii dilkan geystey, mana jirto cid ka tirasan ciidanka booliiska gobolka Banaadir ka tirsan oo ka hadashey dilkaasi.
askari[1]