X

Askari ku sheeg laba doolar u diley dirawal

Waa dhacdo aad u foolxun weliba uu gaystay askari ku sheeg lacag baada ka qaadaayay dirawal waday gaari xamuula oo xilliga dilka dhacaayay taagnaa. Askari ku sheega tuuga ah ayaa goobta ka baxsaday dilka kadib.


Dilalka foosha xun ee noocana ayaa inta badan aan la soo qaban, ayagoo marka dambe qabiil dabada u gala halkii ay ahayd in gacan ku dhiiglaha dhegta dhiiga loo daro.



Wa dhacdadii labaad ee muddo usbuuc guddihiisa ka dhacday Muqdisho. Waxaan hore u aragnay in sidaan oo kale askari ku sheeg uu u dilaybajaaj wade markii uu diiday baad.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.