X

Askari qof ku diley bartamaha Dhuusamareeb

Askari qof ku diley bartamaha magaalada Dhuusamareeb. Ninka askarigan ka tirsanaa maamulkii Ahlu Sunna  ku diley magaalada ayaa la sheegay inuu ahaa dirawal.



Ciidamada maamulka Ahlusunna ayaa gacanta ku dhigay ninkii dilkaasi geystay , waxaana ay geeyeen Xabsi ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb.

Dilka ayaa yimid ka dib markii ay darawalka iyo Askariga ay murmeen, islamarkaana uu si bareer ah u dilay darawalka.



Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyadda, waxaana si weyn loo adkeeyay Ammaankeeda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.