X

Askari qudha ka jaray gaari-wade oo xukun ku dhacay

Askari lagu aaminay amniga dadka iyo duunyada ayaa nafta ka jaray gaari-wade aan samayn amar diido. Askarta dawlada oo mishaharku ku yaryahay ayaa si musuqa ku raadsada inay kaafiyaan nolol maalmeedkooda.


Marxuum  Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud  ayaa ahaa gaari-wade oo ku safraayay qeybo kamid ah gobolka Shabeelada dhexe, waxa uu caan ka ahaa deeganada gobalkaasi, marxuumka ayaa taagnaa halka loogu tala galay hubinta  gaadiidka ee ah meesha laga soo galo degmada Mahadeey ee gobolka Shabeelada Dhexe, ciidamada amniga ee ku sugnaa goobta ayaa hubinaayay gaariga iyo laba qof oo kale oo la  socday balse nasiib xumo dable Cabduqaadir Maxamuud Cali  ayaa ka soo toogtay meel fogaan u jirta.

Isla maalintaas ayay ciidamada amniga ku soo wareejiyeen saldhiga Boliska Degmada Jowhar.


Ciidamada amniga ayaa ku soo wareejiyay hey’adaha dambi baarista, waxana ugu damveyn loo wareejiyay xabsi si loo qaado dambigs uu galay.

Askariga ayaa ku andacoonaya inuu ka shikiyay ragga la baarayay oo uu sheegay in dhaqdhaqaadoodu shaki-geliyay una muuqdey inayay is-qarxiyaan. Waxa markasta ku jira niyada askarta kooxda gaalaynta.

Askarigan ayaa ku xukuman dil toogadho ah waxana dib loo dhifey xilliga lagu fulin doono.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.