X

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmey madax ka tirsan caalamka: SAWIRO

Madaxweynaha Somaliya oo ku sugan shirka Masar ee Carabta iyo wadamads reer galbeedka o markii u horeysay wada yeesha shir noocana ayaa kulan la qaatey madaxda Ciraaq, Sweden iyo Talyaaniga.


Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo markiisii ugu horreysay taariikhda la qabanayo ayaa waxa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda iskaashiga u dhexeeya dalalka Yurub iyo kuwa Carabta, xallinta caqabadaha ay wadaagaan iyo in laga hawlgalo sidii xasilooni buuxda looga suurtagelin lahaa dalalka Carbeed ee ay amni darradu ka jirto.


Madaxweyne Farmaajo ayaa Shir-doceedyo la yeeshay Madaxweynaha dalka Ciraaq Mudane Barham Salih, Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Mudane Stefan Löfven iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Madaxweynaha dalka Ciraaq iyo Talyaaniga halkaas oo.la isla soo qaadey halja ay wax max marayaan kulamadii hore ee ay wada yeesheen.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.