X

Deg deg: Kooxda gaalaynta oo haween ku xasuuqay Afgooye

Wararka argagaxa leh ee ka imaanaya wadada u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa la xaqiijay in halkaas lagu xasuuqey haween gaaraya ilaa 9. Haweenka ayaa ku gudajirey hawl aad u muhiima oo ah inay dalkooda nadiifiyaan.


Kooxda gaalaynta Muslimiinta oo iyagu fuliya falalka noocana ayaa rasaas ooda uga qaaday haweenkan oo xilligaa ku jirey hawlaha nadiifinta ee ajarku uga socday.

Kooxda gaalaynta ee shabaab ayaa hore u xasuuqey haween noocan oo kale ugu jira nadaafada kadib markii miino ugu qariyeen bac madow. Halka haweenkan ay ka heleen wado banaan ayna baxsan karaan.


Masuuliyinta degmada Afgooye oo saxaafada la hadley ayaa meydka haweenka goobta ka qaaday waxayna sheegeen in argagixisadii dishey ay goobta ka baxsadeen. Waxayna tacsi u direen ehelada haweenkan aan waxba galabsan ee ku jirey hawsha muhiimka ah laakiin ay qadar jabiyeen dhiigmiiratada Shabaab la baxdey.


Waxayse balan qaadeen inay gacanta ku soo dhigi doonaan kuwa sida qaaska ah u fuliyay. Dawlada ayaa lagu canaantaa inayna hore u qaarajin dhiigmiiratada kooxda gaalaynta ee xalaashatey dhiigeena.

C/llaahi Warmoofe

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.