X

Askarta Yukrayn oo ku dhamaatey dagaalka iyo tirada ka dhimatey

Milatariga Ruushka ayaa helay sir ku aadan tirada askarta Yukrayn ay ku waayeen dagaalka mudadii uu socday. Yukrayn ayaa keliya qiratey in 3kun oo askari looga dilay halka tobanaan kuna dhaawac yihiin.


Ruushka ayaa isaguna sii daayay tirada weerarka uga dhimatey kuna sheegay wax ka yar laba ku  oo askari. Haddana Ruushka ayaa sheegay inay heleen macluudka saxda ah ee tirada askarta Yukrayn ka fuurtey, weliba ay soo bandhigi doonaan.


”Tirada Yukrayn uag dhimatey ayaa noqotey 23kun oo askari halka 4000 oo askari uga dhinteen magaalo xeebeedka Mariyobol ee uu ku yaalo masjidka ugu weyn ee Muslimiinta.


Tuugta haysta Yukrayn ayaa diidey in ay ka soo baxaan Mariyobol ilaa ay magaalada dhulka la simaan maadaama ay tahay magaalada ay Muslimiinta ugu badan degan yihiin.



Tirada Yukrayn uga fuurtey ayaa ah mid la rumeysan karo maadaama inta badan dagaalkoodu ahaa mid guryo ku dhuumasho. Askarta uga dhimatey dagaalka ayaa u badan askar lagu gaaday maadaama Yukrayn marnaba la gelin dagaal toosa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.