X

Maxay ka dhigan tahay dhaarinta xildhibaanada cusub

Waxa maanta teendhada Afisiyooni ee Muqdisho lagu dhaariyay in ka badan 240 xildhibaan oo matali doona barlamaanka Cusub ee Somaliya kadib muddo hal sanno iyo bar oo ay ku dheganaayeen kooxda Xalane.


Haddaba maxay ka dhigan tahay dhaarintan cusub ee la dhaariyay xildhibaanada

Waa ta koowaade waxa meesha ka baxay Rooble Baahane oo hadda kadib aan farogelin ku hayn doonin doorashada inta dhiman ayadoo golaha shacabku go’aamo ka gaari doono inta harsan haddii loo baahdo iyo weliba maxkamada.


”Dabcan doorashada inta dhiman waxa go’aan ka gaari doona golaha shacabka ee la doortey maadaama wada ogol lagu saxiixay kadibna golaha shacabku ansixiyay ayuu yiri Cali Calasow.

”Isbaaro dambe oo Rooble Baahane iyo Xalane u dhigan karaan doorashada hadhsan ma jirto ayuu raaciyay Cali Calasow.


Waxay dhaartan soo af-jartey ku tumasho nidaamkii dawlagi ahaa ee ummada ka dhaxeeyay oo Rooble Baahanee iyo kooxda Xalane ka dhigteen meel lagu takrifalo.



Waxa hadhsan isku day cusub oo ay u rabaan in la doorto madaxweynaha xilli aan la dhamaystirin xildhibaanada maqan taasna laga yeeli maayo.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.