X

RW Xasan Cali oo weli la rafaadsan xal u helida maamulka Galmudug (FAALO)

Raiisal wasaaraha Somaliya Xasan Cali ayaa weli ku sugan gobolka Galguduud halkaas oo uu mudooyinkanba u fadhiyay maamul u samaynta iyo weliba dib u heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee wada degan halkaas.


Nidaamka aan la isku raacsanayn ee hadda ka fuley meelo ka mida Koofurta dalka ayaa ah in la doorto horjooge, ayadoo la raacayo nidaamka qabiil kala-badsiga ee 4.5. Waa nidaam fashilmey haddana aan ka soconayn dalka.

Waxa iyadna fashilmey nidaam aan la garanayn wuxuu yahay oo loo yaqaan federaal oo hadda ku socda nidaamka kale ee 4.5 kaas oo gobolo ama dhul Somaliyeed ku magacaabaya jufooyin.


Jufooyinka laftooda ayaa cadaalad xumo ka kala dhex taagan tahay maadaama aanu jirin nidaam ay ku heli karaan dhamaantood cadaalad, waana ta keentay in maamulka Galmudug uu yahay wax aan jirin.

Inta keliya ee ka shaqaysa ayaa ah xukunka wadaadada la baxay Ahlusuna oo lagu amaano daacad ula dirirka argagixisada Wahaabiyada ee kooxda gaalaynta Muslimiinta e shabaab.


”Anigu waxaan qabaa in Ahlu sunna lagu wareejo maamulka Galmudug oo dhan lana habeeyo nidaamka Ahlusunna si uu u noqdo mid dalka intiisa kale looga dayan karo ayuu leeyahay Cali Calasow oo Muqdisho jooga.

Kaliya waxaan sidaa u leehay waxay daacad ka yihiin dagaalka ay kula jiraan argagixisada ayuu raaciyay.

Dawlada waxaan ka filayney inay la timaado nidaam Somali leedahay ama bilowdo oo ka fog waxan federaal lagu magacaabo ee gaaladu wadato laakiin taasi ma dhicin ee waxa mashquuliyay sidii meel madhan ay u buuxin lahayd ayuu qabaa Cali Calasow.


Odayada Cadaado ayaa iyagu qaba inayna tageyn Dhuusamareeb maadaama Ahlu sunna diidey in Dhuusamareeb la geeyo ciidan dhexdhexaada oo ka socda dawlada dhexe dhinaca kalana xarunta barlamaanku tahay Cadaado.

Gar ayay u leeyihiin waayo dib u heshiisiin ma dhicin.


Waxa Galmudug ka taagan maaha beelo is diidan inkastoo xurguftaasi jirto waxase ugu weyn sidee loo helaa nidaam Somali leedahay oo lagu wada qanci karo. Ilaa hadda wadadeedii lama hayo.

Faaladi C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.