X

Axmaar Cabi Axmed ma ku dhiiran karaa inuu Awdal xoog ku galo

ABY AHMED

Waa su’aal dad badan oo khuburo is weydiinayaan. Sidee ku fushan karaa heshiiska uu la galay dhiigyacab Muuse Biixi oo Isaaqba aan taageero ka haysan iskaba dhaaf cidkale oo weliba dhulka uu hixiyay aabihii degin, ayna boqolkiiba 98 ay degan yihiin Samaroon.



” Markaad heshiis gasho waa inaad fulisaa, Axmaar Cabi Axmed dhul ayuu ka rabaa dhiigyacab Muuse Biixi inuu gacanta u soo geliyo, waxaanad is weydiin kartaa taas ma dhacaysaa.

Jawaabtu waa Maya waayo waxaad bixin kartaa dhul amaankiisu sugan yahay oo mulkiyadiisa aad adigu leedahay, si nabad ahna loogu fulin karo danaha aad ka rabto, taas kama jirto halkan waayo dadkii deegaanku way hadleen, dagaal ayayna ka xigaan. Haana way noqon kartaa jawaabtu laakiin waxa xiga waa dagaal.



Haddaba maadaama dhiigyacab Muuse aanu dhul haynin, Axmaar Xabi Axmed maku dhiiran karaa inuu xoog ku soo galo oo sidaas ku soo dego. ”Waxkasta ka filo axmaar Cabi Axmed waayo tanba lagama filanayn laakiin haddii uu sidaas ku dhaqaaqo haku tashado sidii uu uga bixi lahaa. Way fududahay soo gelidu hadda laakiin ma hayn karaa wuxuu rabana maku fushan karaa weeyi su’aasha aad is weydiin karto.

Waad fahmi karaysaa qof caqli leh inaanu ku dhiiran karin laakiin shaqsi Axmaar Cabi oo kale ah wax kasta ka filo, kuna darso waxa kula jira Ingiriis iyo Imaaraad.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.