X

Axmaar xildhibaanad Somali ah ku diley Jigjiga

Waxa garoonka magaalada Jig-jiga lagu diley xildhibaan Juweera Maxamed Ibrahim (Subcis) oo ku sugnayd halkaas kadib markii askari Axmaara uu rasaas ooda uga qaaday.


Mustafe Cagjar oo ka hadlay kiiskan ayaa sheegay in la hayo askarigii falkaas gaystey lana marin doono ciqaabta ku haboon. Ma sheegin in askarigan oo garoonka waardiye ka ahaa ay hayn karaan ka maamul goboleed ahaan.

Waxase foolxumo kuugu filan in askari Axmaara uu shaqo ka helo halkan inkastoo garoomada dalka Itoobiya ay dhamaantood joogaan askar ka socda dawlada dhexe oo intooda badan uu ka tagay Tigreegii.



”Waa fadeexad weyn waxase la sugaa way dhacdaye wixii laga qaban lahaa ayuu yiri Xirsi Warfaa. Dhacdadan ayaa aad looga xanaaqay xilli Axmaarka iyo Oromadu hadda yihiin xulufo aan sidaa u buurnayn.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.