X

Maraykanka oo ka baqaya inuu hubkiisa waaweyn keeno Yukrayn

Maraykanka ayaan ilaa hadda keenin Yukrayn hubkiisa waaweyn sida taangiyadiisa, hubka kale ee weerarka dhulka, waxase cajiiba inuu wadamada Yurubta bari weydiinayo inay hubkooda siiyaan Yukrayn.


”Waa baqdin xoogleh asagoo ka baqaya in Ruushku burburiyo halkaana lagu ogaado in hubka uu iibiyaa aanu lahayn tayo ayuu yiri khabiir u hadlay Iiraan.

Ma aragno hubkaas waaweyn laakiin waxaan aragnaa Maraykanka oo tijaabinaya hub kale sida gantaalada waayo Yukrayn waxay u noqotey goob ay ku tijaabiyaan hubka noocyadiisa kale.



Maraykanka ayaa Yukrayn ku daadgureeyay kumanaan calooshood u shaqaysteyaala oo u dagaalama xulafadiisa. Ruushka ayaa hakiyay weerarka waxana hadda uu ku jiraa difaac inta uu sugayo ciidan ku filan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.