X

Qaramada midoobay oo isku afgaran waayay inay fariin u diraan dawlada Somaliya

Shir goor dhaweyd dhamaaday ayaa caawa oo Arbaca ah xubnaha ku jira qaramada midoobey isku afgaran waayeen inay war murtiyeed ka soo saaraan nidaamka doorashada ee uu ku dhawaaqay barlamaanka Somaliya. Mudada loo qoondeeyay doorashada ayaa ah laba sano.


Hadaba shirkaas oo ay u ololeeyeen Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa waxa diidey Ruushka iyo Shiinaha oo sheegay inayna ahayn qaramada midoobey inay bedelaan go’aanka barlamaanka.

”Xataa iyadoo qaramada midoobey bixiso lacagaha askarta Afrikaanka ah xaq uma laha inay farogeliso go’aan ay leeyihiin Somalidu, waxayna u taala Somalida inay ka wada hadlaan ayuu yiri xubin ka tirsan waftiga Ruushka.


Go’aan aan ka soo saarno halkan faaiido uma leh Somaliya inay xaalada qasto mooyee ayuu yiri xubinta dalkaasi Shiinaha.

Go’aan la’aanta shirkan ay wax weyn ka filayeen xubnaha sheeganaya magaca Hawiye ayaa dhabarjab ku ah maasbna jiro wax kale oo u furan ayuu yiri Cali Calasow

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.