X

Axmaarkii diley xildhibaan Juweyra oo welli lagu hayo Jig-jiga

Askarigii Axmaarka ahaa ee maalinta cad rasaasta ooda uga qaaday xildhibaan Juweyra dhaawacayna walaasheed oo boqqasho ugu timi ayaa welli aan abaalkiisa la marin. Waxa sheekadan ka walaacsan qoyska ay ka dhalatey xildhibaan Juweyra.



”Waxan si weyn uga shiki qabnaa in Axmaarkaas aan abaalkiisa la marin ee ila meerayso laga dhigo arinta ayuu yiri qaraabo warbaahinta la hadlay.



”Mustafe Cagjar wuxuu noo sheegay in dil lagu xukumi doono lana fulin waxaadse moodaa in madmadow soo galay arintaa ayuu raaciyay wiilka qaraabada Juweyra u hadlay waxayna keenaysaa xil gudasho la’aan.



Jyweyra ayaa askari Axmaar ahi rasaas ooda uga qaaday xilli ay ku sugnayd madaarka magaalada Jig-jiga oo ah meel ayna ka filayn, wellina kolba maxkamad ayaa lagu celcelinayaa isagoo qirtey dembiga.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.