X

Golaha shacabka Ruushka oo mamnuucay khaniisiinta iyo reer galbeedka oo

Golaha shacabka ee dalkaasi Ruushka ayaa mamnuucay khaniisiinta iyo wixii la halmaala, waxayna talaabadan aad uga caraysiisay reer galbeedka oo ku tilmaamay in dimoqraadiga lagu tuntey. Reer galbeedka ayaa khaniisnimada ku faafiya dunida oo uu ku jiro Ruushku.



Madaxweynaha dalkaasi Ruushka ayaa sheegay reer galbeedka inayna isku caado ahayn oo ay la dagaalami doonaan dhamaan caadooyinka iyo dhaqanka xun ee reer galbeedka ee ay ugu horeyso dhiirigelinta khaniisiinta.



ā€¯Golaha shacabka oo loo akhriyay qaybtii u dambaysay dood ku saabsanayd sida khaati looga taagan yahay dhaqanada xun ee reer galbeedku xayaysiiyaan ayaa la isku raacay in la mamnuuco waxkasta oo la xiriira khaniisnimada iyo faafintooda ayuu yiri afhayeenka golaha shacabka.



Dagaalka ugu weyn ee reer galbeedku ku hayaan Ruushka ayaa ah kahniisnimada. Golaha ayaa isku raacay in la ganaaxo ugu horeyn kuwa waxaas mashruuc ku soo qaatay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.