X

Axmed Karaash oo caawa u hoyday aaga Majeerteenku soo weeraray

Kadib dagaal faraha looga gubtey oo horjooge Siciid Deni ku qaaday tuulada Saax Maygaag ee ka tirsan gobolka Sool ayaa Axmed Karaash oo lagu canaantey inuu difaaci waayay qabiilkiisa la sheegayaa inuu caawa u hoyanayo aagaas.


Dagaalkan faraha looga gubtey ee u dhexeeya jufooyin ka tirsan Dhulbahante iyo Majeerteen ayaa markii hore ku bilowday si hoose ilaa markii dambe ay ku soo biireen askarta maamulka Butlaan ee Majeerteen.


Axmed Karaash oo deegaanku kii sii yahay ayaa la sheeghay inuu la noqday ciidankiisii halka kuwa Majeerteen caadi uga qayb galeen dagaalka iyaga difaacaya kuwa ay isku jufada yihiin.



Saax-Maygaag oo muran la geliyay ayaa ka tirsan gobolka Sool sida ay sheegayso taariikhdu. Dhaawac farabadan ayaa loola cararay isbitaalada ugu dhow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.