X

Axmed Karaash oo sheegay in la baalmaray oo aan waxba lagala tashan

Madaxweyne ku xigeenka Butlaan ayaa sheegay in Siciid Deni waxba kala tashan guddiga doorasho ee la kala magacaabay maalmahan kuwaas oo ka kooban 9 xubnood.


Warqad uu soo saaray Axmed Karaash ayuu klu sheegay in aan haba yaraatee waxba la weydiin markii Siciid Deni magacaabayay guddigaas ku meel gaadhka ah ee doorashada maamulka.

Maaha markii ugu horeysay ee ku xigeenada horjoogeyaasha Butlaan ay ka cawdaan in aan waxba la weydiin, waxaanan hore u ogeyn midii ka dhaxaysay Cabdiwelli Gaas iyo ku xigeenkiisii.


Ku xigeenka maamulka Butlaan oo inta badan ay qaataan beesha Dhulbahante ayaa had iyo jeer lagu yasaa booska waxana hawsha inta badan qaata horjoogaha oo ka soo jeeda beesha Majeerteen inkasto Butlaan ku magacaaban gobol Hartiyeed.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.