X

Axmed Karaash oo xaqiijay in bartiisii faysbuug hawada laga saaray

Horjooge ku xigeenka Butlaan ayaa xaqiijay in bartiisii faysbuug ee uu dhawaan furtey ayna laba maalin kadib ku xirmeen dad gaaraya 30 kun oo qof uu hawada ka maqan yahay. ”Ma garanayo waxa hawada ka saaray waana baaraynaa ayuu yiri Axmed Karaash.


Siyaasiyiinta gobolka Sool ayaa si weyn oo caro leh uga hadley waxa horjooge Siciid Deni kula kacay Axmed Karaash oo matala beesha balaadhan e Dhulbahante.

Boga Axmed Karaash oo cod dheeraa ayaa waxa ku kalifay horjooge Siciid Deni oo u diidey barta madaxtooyada inuu wax ku qoro maadaama uu yahay ku xigeenkii maamulka.


Ilaa hadda waxa horjooge Siciid Deni diidan yahay inuu siiyo xaquuqda uu leeyahay ku xigeenkiisa maadaama uu ku doodayo in maamulku beel u xiran yahay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.