X

Taram oo ciidanka u diyaariyay banaanbaxyada ka soo socda Minayabolis: aaway xoog ma isticmaalo

Ilaa hadda lama maqal hay’adaha sheegta inay u hadlaan xuquuqda dadka oo ka hadlaya tacadiyada ka dhaca jeelasha Maraykanka iyo dilalka joogtada ah ee booliiska dalkaasi ku hayaan Maraykanka madow haddana Taram wuxuu u dalbadey dadka banaanbaxaya ciidanka.


“Waxa la amrey ciidanka jooga gobolada Koloraado iyo Kansas inay is diyaariyaan xilli wadamada kale ay ku caayaan inay cadaadiyaan dadkooda.

Maraykanka oo ah meesha aduunka ugu cadaalad xun ayaa haddana si caadi ah loo daawadaa tacadiyada dadka madow iyo midabada kale ay booliiska dalkaasi oo hubeysan u haystaan. Waxa jira dhacdooyin booliiska ku dilayo haddana adi qoriga laabta laguu saarayo marka la baarana la odhanayo waa is diley.


Sharci kama jiro ee dadku shaqo keliya ayay ku haystaan dalka ayuu yiri oday megsikaana oo cadaalad xumo iyo jirdil kala kulmey jeelasha dalkaasi.


Dadka gadoodsan ayaa maalintii afraad wada banaanbax rabshado wata oo ay ku ciil baxayaan ayna u arkaan sida keliya ee ay ku helayaan cadaalad. Ilaa hadda maxkamad lama soo taagin gacan ku dhiiglihii dilka gaystey oo ilaa hadda qoslaaya asagoo og in aan waxba lagu samayn karin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.