X

Iiraan oo shidaalkii afraad gaysay Finansuweela iyo Taram oo baqay inuu taabto

Booyadii afraad ee ay leedahay Iiraan ayaa gaartey dalkaasi Finansuweela ayadoo Taram waxba ka qaban waayay. Maraykanka ayaa sheegta inuu cunaqabatayn saaray Finansuweela waxase fashiliyay Iiraan oo halkaasi gaysay shidaalkii ugu badnaa.


Madaxweynaha Iiraan ayaa ku hanjabay inuu gacan bira kaga jawaabi doono haddii Maraykanku taabto booyad-markabeedka sida shidaalka ee u socda Finansuweela.

Dalkaasi Finansuweela oo qani ku ah saliida ayaa Maraykanku saaray cunaqabatayn waxayna taasi keentay in saliidiisu hoos u dhacdo ama inta badan ku lunto suuqa madow.


Saliida dalkaasi ayaa dadku ku iibsadaa suuq madow taas o keentay in dhaqaalihii dalku dhulka galo maadaama dawladu aanay iib fiican ku helin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.